Weeraryahankii hore ee Liverpool, Michael Owen, ayaa ku booriyay kooxdiisii hore inay bedelka Mohamed Salah iyo Darwin Nunez ka dhex raadiso horyaalka Premier League.
Qandaraaska Salah wuxuu dhacayaa xagaaga, halka Nunez lala xiriirinayo suurtagalnimada uu kaga tagi karo Reds. Arrintaas ayaa keentay in Owen uu soo jeediyo in Alexander Isak (Newcastle) iyo Antoine Semenyo (Bournemouth) ay noqdaan xiddigaha buuxin kara boosaskooda.
Isak ayaa horey loola xiriirinayay Liverpool, halka Semenyo uu indhaha kooxdu qabtay kadib bandhiggiisa wanaagsan ee xilli-ciyaareedkan. Semenyo, oo 25 jir ah, ayaa dhaliyay sagaal gool, shan kalena caawiye ka ahaa tartamada oo dhan. Dhanka kale, Isak, oo sidoo kale 25 jir ah, ayaa dhaliyay 23 gool, isagoo u muuqda mid ku jira xilli-ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.
Owen oo la hadlayay OLBG ayaa sheegay:
“Waxaa beryahan dambe soo baxayay warar xan ah oo ku saabsan ciyaartoy kala duwan.”
“Alexander Isak, sida iska cad, waa xiddig cajiib ah. Newcastle ayuu gool kaga dhaliyay Liverpool waqti aan fogeyn, haddii Reds ay heli karto isaga, waxay noqon lahayd talaabo weyn. Laakiin koox walba ayaa doonaysa, sidoo kalena Newcastle ma dooneyso inay si sahlan ku fasaxdo.”
Dhanka Semenyo, Owen wuxuu yiri:
“Waan ka helaa Antoine Semenyo, wuxuuna ka ciyaaraa boos la mid ah Salah. Waa ciyaaryahan da’yar ah oo leh tamar iyo awood gooldhalineed, waana xiddig aad u fiican.”
Ugu dambeyn, Owen wuxuu carrabka ku adkeeyay in haddii Liverpool ay lumiso Salah iyo Nunez, bedelkooda ay noqon karaan Isak iyo Semenyo, taasoo, sida uu sheegay, aan noqon doonin tallaabo liidata.