Liverpool ayaa lala xiriirinayaa ciyaaryahano dhowr ah, waxaana wararku sheegayaan in weeraryahan cusub uu dhawaan ku biiri karo kooxda iyadoo tababare Arne Slot uu diirada saarayo qorshihiisa suuqa kala iibsiga ee ciyaartoyda.
Inkastoo aysan ahayn muhiim, Liverpool ayaa weli bartilmaameed saneysa weeraryahanno kala duwan. Waxa ay weli ku naalloonayaan Premier League iyo Champions League, kaliya farqiga goolasha ayaa u diidaya inay hogaamiyaan labada tartan.
Inkasta oo ay Liverpool dhalisay 26 gool 12 kulan oo ay ciyaartay xilli ciyaareedkan, haddana waxa ay raadinaysaa dookhyo kale oo cajiib ah xagaaga soo socda, iyaga oo diiradda saaraya beddelka Mohamed Salah, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Mid ka mid ah bartilmaameedka la yaabka leh, waa weeraryahanka reer Spain Raul Moro oo ka tirsan Real Valladolid. 21-sano jirkaan ayaa dhaliyay labo gool, waxaana uu caawiyay hal gool 10 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkan, taasoo soo jiidatay dareenka Liverpool.
Liverpool ayaa la dhacsan horumarka uu sameeyay Moro tan iyo markii uu kaga soo biiray Valladolid kooxda Lazio, waxaana laga yaabaa inay isku dayaan saxiixiisa ka dib markii uu ka caawiyay Valladolid iney dib ugu soo laabato La Liga.
Bartilmaameedka kale ee macquulka ah, waa weeraryahanka Lille Jonathan David. Xiddiga reer Canada ayaa dhaliyay 10 gool 15 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, Liverpool ayaana lagu soo waramayaa in ay si xor ah kula soo saxiixan karto xagaaga dambe hadii Salah uu baxo.