Kooxda Liverpool ayaa lagu dhiirrigeliyay inay dhamaystirto saxiixa xiddiga RB Leipzig, Xavi Simons, maadaama ay qorshaynayso inay xagaagan xoojiso safkeeda.
Xavi Simons, oo 21 jir ah, ayaa u wareegay Leipzig bishii Janaayo kaddib markii uu si guul leh amaah ugu ciyaaray PSG. Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa dib usoo nooleyn karta xiisaheedii hore ee laacibka xagaagan, iyadoo Arne Slot uu doonayo inuu xoojiyo weerarkiisa.
Goolhayihii hore ee xulka England, Paul Robinson, ayaa u sheegay Football Insider in mustaqbalka Luis Diaz iyo Cody Gakpo uu noqon karo mid go’aaminaya haddii Liverpool ay u dhaqaaqdo Simons.
Dhanka kale, xiddigaha Mohamed Salah, Darwin Nunez iyo Diogo Jota ayaan weli lahayn mustaqbal cad, taasoo keeni karta in Liverpool ay go’aan ka gaarto Simons si ay weerarkooda u xoojiyaan.
Liverpool Oo Suurtagal Ah Inay Iibiso Luis Diaz
Wararkan waxay imanayaan kaddib markii khabiirka suuqa kala iibsiga, Mick Brown, uu sheegay in Liverpool ay diyaar u tahay inay iibiso Luis Diaz, si ay boos ugu sameeyaan weeraryahan cusub oo heer caalami ah.
Football Insider ayaa bishii Febraayo 15 shaacisay in Liverpool ay u baahan doonto inay bixiso £60 milyan si ay uga soo kaxeyso Simons RB Leipzig.
Xavi Simons ayaa bishii Janaayo si rasmi ah ugu biiray Leipzig heshiis £50 milyan ah, balse waxa laga yaabaa in kooxda Jarmalka ay isku daydo inay faa’iido degdeg ah ka hesho xiddiga reer Netherlands.
Simons Oo Si Toos Ah U Gali Kara Shaxda Liverpool
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Inside Track podcast ee Football Insider, Paul Robinson wuxuu sheegay in Simons uu “shaki la’aan” si toos ah ugu biiri doono shaxda koowaad ee Liverpool, hase yeeshee ay adag tahay in la helo heshiis jaban.
“Waxay ku xirnaan doontaa haddii Liverpool ay lacag badan kharash garayso xagaagan,” ayuu yiri Robinson.
“Xavi Simons waa 21 jir, wuxuuna qandaraas kula jiraa RB Leipzig ilaa June 2027, sidaas darteed ma noqon doono xulasho jaban.”
“Wuxuu dhaliyay 8 gool, wuxuuna caawiyay 5 kale xilli ciyaareedkan, qiimihiisii hore waxa uu ahas £50 milyan, sidaas darteed hadda wuxuu noqon doonaa mid aad qaali u ah.”