Liverpool ayaa si wanaagsan ku bilowday xilli ciyaareedka iyadoo uu hoggaaminayo tababare Arne Slot,waxaana laga yaabaa in kooxda Reds ay isku daydo inay xoojiso safkeeda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ee soo socota.
Liverpool waxay markale garoomada ku soo laaban doontaa Axaddan kadib fasaxa ciyaaraha caalamiga ah, iyagoo ku wajahaya Southampton garoonka St Mary’s.
Kooxda Reds waxay dooneysaa inay sii wadaan guulihii ay gaareen ka hor fasaxa, maadaama ay ku jiraan rikoodh aan laga badin 13 kulan oo isku xiga tartamada oo dhan. Dhanka kale, Southampton ayaa haatan ku jirta booska ugu hooseeya ee Premier League iyagoo helay afar dhibcood kaliya 11 kulan oo ay ciyaareen.
Sida laga soo xigtay Tuttosport, Inter Milan ayaa xiiseyneysa inay bisha Janaayo la soo wareegto weeraryahanka Liverpool, Federico Chiesa.
Chiesa ayaa xagaagan kaga soo biiray Liverpool kooxda Juventus heshiis qiimo jaban ah, balse 27-jirkaan wuxuu kaliya u saftay saddex kulan Reds dhammaan tartamada. Warbixinta ayaa sheegaysa in Chiesa uu dib ugu laaban karo Talyaaniga heshiis amaah ah bisha Janaayo, iyadoo Inter ay dooneyso inay toos ula wareegto.
AC Milan iyo AS Roma ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Chiesa, waxaana la sheegayaa in Liverpool ay diyaar u tahay inay qeyb ka bixiso mushaharka ciyaaryahanka haddii uu ka tago Anfield si amaah ah sanadka cusub.