Manchester United ayaa durba heshiis la gaartay Sporting CP wiilka ka tirsan ee Geovany Quenda, iyadoo heshiis ku kacaya 50 milyan ginni oo uu ku imaan doono xagaaga. Liverpool ayaa sidoo kale xiiseyneysay da’yarkaan. (A Bola – Portugal)
Manchester City ayaan weli ka rajo dhigin saxiixa Quenda, iyadoo Pep Guardiola kooxdiisa ay diyaar u tahay inay keento dalabka la mid ah kan United. (Caughtoffside)
Man Utd ayaa xusul duub ugu jirta tartanka loogu jiro goolhayaha Borussia Dortmund Gregor Kobel kaas oo horay u soo jiitay kooxda Chelsea. (Fichajes – Spain)
Labada kooxood ee Premier League ayaa sidoo kale ku dagaalamaya Josh Acheampong. United ayaa ka fekereysa inay u dhaqaaqdo xiddiga akadeemiyada Chelsea, kaasoo horey loola xiriirinayay Real Madrid. (CaughtOffside)
Liverpool ayaa qarka u saaran inay ku garaacdo Real Madrid tartanka loogu jiro daafaca dhexe ee Ajax Jorrel Hato ka dib markii Arne Slot uu si shaqsi ah ula xiriiray xiddiga ay isku dalka yihiin. (El Nacional – Spain)
Arsenal, Aston Villa, Chelsea, Tottenham Hotspur iyo Manchester United ayaa dhamaantood loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan kareen weeraryahanka Bayer Leverkusen ee Victor Boniface ka hor inta uusan u dhaqaaqian Al Nassr isbuucaan. (Mirror)
Joao Felix ayaa ka qoomameynaya ku biiristiisa Chelsea, waxaana uu amaah ugu biiri karaa AC Milan (El Nacional – Spain)
Ollie Watkins ayaa isha ku haya inuu u dhaqaaqo Arsenal oo ah kooxdii uu taageeri jiray caruurnimadiisii, laakiin Aston Villa ayaa diidan bixitaanka weeraryahanka bishaan. (Fichajes – Spain)
Bixitaanka Mohamed Salah ee Liverpool xagaagan, ayaa keeneysa in Reds ay u dhaqaaqdo xididga Newcastle United Anthony Gordon. (Caughtoffside)
Liverpool ayaan wax niyad ah u haynin in ay u ogolaato Darwin Nunez sii joogista kooxda, xiddiga reer Uruguay ayaa waxaa burburay ku biiristiisii Al Nassr oo la wareegtay Jhon Duran. (The Sun)
Barcelona waxa ay leedahay laba bartilmaameed oo suuqa kala iibsiga ah xagaaga soo socda; Daafaca dhexe ee Bayer Leverkusen Jonathan Tah iyo weeraryahanka Athletic Club Nico Williams. (Fichajes – Spain)
Chelsea ayaa ugu dambeyntii heshiis la gaartay Torino iyadoo kaga iibineysa Cesare Casadei €15m bishan. (Fabrizio Romano)