Arsenal ayaa fariin wanaagsan ka heshay weeraryahanka RB Leipzig Benjamin Sesko, iyadoo tababare Mikel Arteta uu xal u raadinayo booska No.9 ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
FootballTransfers ayaa shaaca ka qaaday bishii December, in Sesko uu yahay mudnaanta koowaad ee Gunners marka ay timaado buuxinta booska weerarka dhexe.
Si kastaba ha ahaatee, qorshihii Arsenal ee saxiixa weeraryahanka Sesko, waxaa carqaladeysay Chelsea oo dalab lama filaan ah miiska saartay.
Inkasta oo Kai Havertz uu heer fiican ka qaadanayo doorka weerarka Arsenal, haddana waxaa jira rabitaan ah in kor loo qaado fursadaha gooldhalinta kooxda kadib dhaawaca Gabriel Jesus iyo Bukayo Saka.
Tababaraha Arsenal ayaa marar badan muujiyay xiisihiisa ku aadan saxiixa weeraryahan, taasoo uu warbaahinta si toos ah xitaa ugu xaqiijiyay shirkisii Jaraa’id ee ugu dambeeyay.
Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in ay jirto fursad aad u weyn oo uu Sesko kaga tagi karo kooxdiisa, laakiin maaha suuqa jilaaka ee waa xagaaga.
“Labada ciyaaryahan ee Sesko iyo Xavi Simons waxay heystaan fursad ay ku dhaqaaqaan xagaaga, Romano ayaa yiri,
“Sesko waxa uu noqon doonaa mid ka mid ah bartilmaameedyada waaweyn ee suuqa kooxda Arsenal xagaaga” ayuu si kalsooni leh u yiri Romano.