Manchester United ayaa ka fiirsan doonta inay u dhaqaaqdo Alvaro Carreras oo katirsan Benfica haddii ay awoodi waayaan inay Patrick Dorgu kala soo wareegaan Lecce. (Florian Plettenberg – Sky Germany)
Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha isha ku haya inay u dhaqaaqaan garabka Feyenoord Anis Hadj Moussa. (Santi Aouna – France)
Weeraryahanka Real Madrid Rodrygo, oo qandaraas ilaa 2028 kula jira kooxdiisa, ayaa bartilmaameedka koowaad u ah kooxda ka dhisan Ligue 1 ee Paris Saint-Germain. (RMC Sport – France)
Diirada Barcelona waxaa soo galay daafac dhexe ee Sporting CP, Ousmane Diomande. (El Nacional – Spain)
Man Utd ayaa ka fiirsan doonta inay amaah kusoo qaadato Victor Osimhen oo Napoli leedahay, haddii uu dhameysyirto heshiiskiisa amaahda ah ee uu kula joogo Galatasaray (ESPN)
Tottenham Hotspur ayaa ka fiirsaneysa inay lasoo saxiixato weeraryahan cusub si loo badbaadiyo xili ciyaareedka Ange Postecoglou. Xiddiga Ajax Brian Brobbey iyo Ipswich ninka u ciyaara Town Liam Deap ayaa ka mid ah kuwa u sharaxan liiska kooxdu dooneyso (Telegraph)
Liverpool ayaa Chelsea kaga horeysa tartanka loogu jiro daafaca garabka Slavia Prague ee El Hadji Malick Diouf. (Daily Star)
Real Madrid ayaa xiiso u qabta goolhayaha Trabzonspor Onuralp Cevikkan, iyagoo raadinaya goolhaye mustaqbalka fog bedeli kara Thibaut Courtois. (AS – Spain)
Arsenal ayaa hogaanka u haysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Rosenborg Sverre Nypan kaas oo loogu Manchester daray ‘Martin Odegaard’ cusub ee Norway. (Mirror)
Juventus ayaa kula biirtay kooxaha West Ham United, Everton iyo Borussia Dortmund tartanka loogu jiro saxiixa khadka dhexe ee kooxda Chelsea Carney Chukwuemeka. (Mail Sport)
Real Madrid, Bayern Munich, Chelsea iyo Juventus ayaa dhamaantood xiiseynaya daafaca dhexe ee da’da yar ee Bournemouth Dean Huijsen. (Fichajes – Spain)
Andreas Christensen ayaa u sheegay Barcelona inuu doonayo inuu baxo hadii uusan daqiiqado badan siin Hansi Flick. (Fichajes – Spain)
Manchester City ayaa dooneysa inay soo gabagabeyso labo saxiix oo kale ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, waana labada ciyaaryahan ee Juventus Andrea Cambiaso iyo Douglas Luiz. (GIVEMESPORT)