Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo ayaa dhawaan furmi doon, waxaana kooxuhu ay isku diyaarinayaan inay lacag ku shubaan daaqada ka hor qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.
Manchester United ayaa ka mid ah kooxaha la filayo inay si firfircoon ugu dhax muuqdo suuqa kala iibsiga january, inkastoo oo ay qorsheynayaan marka hore in ay iska iibiyaan cuyaartooy.
Marcus Rashford waa mid ka mid ah xiddigo magac sare leh oo ay kooxdu doonayso inay ku iibiso suuqa January kadib soo jeedin ka timid Ruben Amorim oo aan la dhicin qaab ciyaareedkiisa.
Liverpool ayaa sidoo kale laga yaabaa inay lumiso magacyo waa weyn oo ay kamid yihiin Trent Alexander-Arnold, Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk oo dhamaantood qandaraaskoodu dhacayaa xagaaga, inkastoo heshiisyo cusub usoo bandhigi karto.
Dhanka kale, Arsenal ayaa laga yaabaa inay ku firfircoonaato suuqa bisha Janaayo si ay sare ugu qaaddo rajadeeda horyaalka iyadoo Manchester City ay raadin doonto bedelka Rodri.
Napoli ayaa isha ku haysa Kiwior
Napoli ayaa diidan in ay qirato guuldarro in ay kala kulantay qorshihii ay ku doonaysay Jakub Kiwior.
Kooxda reer Talyaani ayaa muddo dheer lala xiriirinayay daafaca reer Poland.
Sida laga soo xigtay Sky Italy, weli waa ay xiiseynayaan, waxaana ay xitaa usoo bandhigeen heshiis amaah ah.
Red Devils ayaa sidoo kale laga yaabaa inay iibiso Garnacho
Manchester United ayaa lala xiriirinayaa inay January iibiso weeraryahanka Marcus Rashford.
Laakiin waxaa laga yaabaa inuusan ahayn ciyaaryahanka kaliya ee ay iibiyaan. Sida laga soo xigtay Mail Online.
Alejandro Garnacho wuxuu yahay mid ka mid ah ciyaartooyda ugu muhiinsan kooxda, laakiin wali ma helin kalsoonida Amorim.
Liverpool ayaa isha ku haysa Joao Pedro
Sida laga soo xigtay majaladda Brazil ee UOL, Liverpool ayaa isha ku haysa xiddiga Brighton Joao Pedro.
Xiddigii hore ee Watford ayaa sidoo kale lala xiriiriyaa Manchester United.
Liverpool ayaa la filayaa inay furto wadahadalo ku aadan heshiiskiisa bisha Janaayo, iyadoo Brighton ay u badan tahay inay hesho 30 milyan haddii uu baxayo laacibkaan.
Rashford oo ku biiri kara Arsenal
Xidigii hore ee khadka dhexe ee xulka qaranka England Danny Murphy ayaa qaba in u dhaqaaqista Arsenal xiddigaan ay ka caawin karto in ay hesho qaab ciyaareedkiisii fiican.
Arteta ayaa suuqa ka raadinaya weeraryahan cusub, waxaana halyeyga Liverpool uu ugu baaqay inuu la saxiixdo Rashford suuqa soosocda.