Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo ayaa si xowli ah la isugu diyaarinayaa, waxaana dhawaan imaan doonta fursad ay kooxaha iyo ciyaartoyda isbedelo ku sameyn doonaan.
Suurtagal maaha in la iska indho tiro Manchester United iyo Marcus Rashford oo kala tagi kara bisha socota. Red Devils ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso weeraryahankeeda mudada dheer kooxda ku sugnaa.
Ruben Amorim ayaa muujiyay inuu doonayo Rashford inuu sii joogo, xiddiga United ayaana hore loola xiriiribayay Bayern Munich oo iska diiday ugu danbeyn inay u dhaqaaqdo.
Haddaba waxaan halkaan idinkula wadaagi doonaa aqristayaasheena sharafta badan wararkii suuqa caawa kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Man Utd.
Arsenal
Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay u ogolaato Jakub Kiwior inuu ka tago Emirates, sida ay wararku sheegayaan caawa.
Napoli ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya daafaca reer Poland, laakiin Arsenal ayaa dooneysa inay sii haysato ugu yaraan ilaa dhamaadka xili ciyaareedka.
Corriere del Mezzogiorno ayaa ku warameysa in Gunners ay fureyso wadahadalo heshiis amaah ah uu ugu baxayo daafaca, iyadoo ay waajib ku tahay inay iibsato kooxdii uu doorto.
Liverpool
Mustaqbalka Mohamed Salah ayaa ahaa mid aad loo hadal hayo xilli ciyaareedkan, iyada oo uu xiddiga reer Masar heshiiskiisu dhamaanayo xagaagan.
Wali xiddigu si Rasmi ah uma saxiixin heshiis cusub oo uu kooxda kula sii joogi doono.
Hadda muuqaal cusub oo la baahiyay, Salah wuxuu ka hadlay mustaqbalkiisa – isagoo yiri “weli ma garanayo waxa dhici kara mustaqbalka.
Man Utd
Manchester United ayaa loogu baaqay inay si degdeg ah uga takhalusto Antony ka dib qaab ciyaareedkiisa niyad jabka leh ee soo bandhigay kulankii xalay ee Tottenham.
Antony ayaa ku soo bilowday kulanka iyadoo United ay ka hartay Carabao Cup markii ay Spurs ku garaacday 4-3.