Naadiyada Premier League ayaa isku diyaarinaya inay soo dhaweeyaan saxiixyada cusub ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda oo dhawaan furmi doona.
Wararka Liverpool
Liverpool, waxa ay mudnaanta siineysaa marka hore ciyaartoydii hore ugu sugnaa ee Mo Salah, Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold in ay qandaraasyadooda cusbooneysiiso, taasoo la micno ah inay ka mashquuli doonaan saxiixyo cusub.
Salah ayaa ku biiri kara Real Madrid dhamaadka xili ciyaareedkaan, iyadoo madaxweynaha Los Blancos uu usoo bandhigi karo mushaar ka badan kan Liverpool.
Tani waxa cabsi badan ku tahay Liverpool oo rajo fiican ka leh in ay qandaraaska u kordhiyaan Salah.
Wararka Man Utd
Manchester United macalinkeeda cusub Ruben Amorim ayaa isha ku haya suuqa jiilaalka ka dib markii uu la wareegay kooxda bishii hore.
Viktor Gyokeres, oo Amorim uu macalin ugu ahaa Sporting Lisbon, ayaa la fahamsan yahay inuu ku jiro liiska ay dooneyso United,
Weeraryahankaan ayaa bartilmaameed xoogan u ah dhamaan kooxaha waaweyn ee yurub kadib qaab ciyaareedkiisa sarre ee uu soo bandhigay xili ciyaareedkaan.
Man Utd ayaa markasta ku cadcad heshiiskiisa maadaama ay heystaan tababarihiisii hore ee Amorim kaasoo ka dambeeyay qaab ciyaareedkiisa.
Wararka Arsenal
Arsenal ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Gyokeres ninka ay isku dalka yihiin ee Newcastle katirsan ee Alexander Isak.
Isak ayaa la fahamsan yahay inuu doonayo ka dhaqaqista kooxdiisa suuqa xagaaga, iyadoo ay jiraan dalabyo xoogan oo soo gaaray Newcastle Unuted.
Arteta wuxuu mudnaan koowaad uu siinayaa soo xero galinta weeraryahan sarre oo kooxda ka caawin kara ku guuleysiga Premier League xili ciyaareedkaan.