Manchester United oo ka walaacsan maqnaanshaha muddada dheer ee Lisandro Martinez oo dhaawac sinta ah soo gaaray.
Manchester United ayaa ka cabsi qabta in difaaceeda Lisandro Martinez uu muddo dheer ka maqnaado garoomada kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay sinta, taasoo sababtay in laga saaro waajibaadka xulka qarankiisa Argentina.
Warar soo baxay shalay ayaa muujinaya in 26-jirkan uu xalay ku laabtay magaalada Manchester ka hor inta uusan xitaa ka qayb qaadan tababarka xulkiisa. Martinez ayaa dhaawacan ku soo gaaray kulankii ay kooxdiisu 3-0 kaga badisay Leicester City Axadii, inkastoo uu ciyaaray isagoo xanuun dareemaya oo uu dhameystiray 90-kii daqiiqo ee ciyaartaas.
Si kastaba, dhaawaca Martinez ayaa la sheegay inuu yahay mid halis ah, taas oo keeni karta inuu muddo dheer seego ciyaaraha kooxda.
Wararka ayaa tilmaamaya inuu shaki ku jiro taam ahaanshihiisa kulanka Premier League ee ay Manchester United la ciyaari doonto Ipswich Town marka uu dhammaado fasaxa xulalka.
Kooxda United ayaa si dhow ula socota xaaladdiisa, waxaana ay rajeynayaan in baaritaannada caafimaadka ee la samayn doono go’aamiso muddada uu maqnaan doono difaacooda muhiimka ah.