Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa qish ka bixiyey waqtiga uu ka fadhiisanayo ciyaaraha kubadda cagta, isaga oo waqtigan ku sugan waddanka Maraykanka oo uu ula guuray qoyskiisa.
Lionel Messi oo ku guuleystay 42 koob intii uu ku jiray kubadda, waxaana ka mid ahaa 10 horyaal oo LaLiga ah, toddoba Copa del Rey, afar Champions League, Koob Adduun iyo Copa America.
Sidoo kale, waxa uu noqday ciyaartoyga taariikhda kubadda ugu badan abaal-marinta Ballon d’Or oo uu siddeed jeer ku guuleystay, waxaana uu saddex abaal-marinood dheer yahay Cristiano Ronaldo oo ah ciyaartoyga ugu soo dhow.
37 jir ayuu noqon doonaa marka la gaadho xagaaga soo socda, waxaana hadda uu qish lasii wadaagay kooxdiisa Inter Miami inuu isku diyaarinayo inuu hawlgab ka noqdo kubadda cagta.
Messi oo waraysi siiyey wargeyska Big Time, ayaa waxa la weydiiyey waqtiga uu ciyaaraha ka fadhiisanayo, waxaanuyidhi: “Anigu waan garanayaa waqtiga, waana marka aan dareemo in aanan awoodi karayn in aan bandhig fiican sameeyo ee aana ku raaxaysanayn ciyaaristeeda, amaba aanan caawin karaynin ciyaartoyda kale.”