Lionel Messi ayaa magacaabay afar ciyaartoy oo horyaalka Premier League noqon doona xiddigo waaweyn, kuwaas oo haddaba haya raadkii iyo saansaantii ay ku noqon lahaayeen kuwa gaadha heerka uu Lionel Messi u saadaaliyey.
Xiddiga reer Argentina ee siddeedda sannadood ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, ayaa kasii baxaya saxadda maadaama ay da’diisu tahay 36 jir, isla markaana uu u wareegay horyaalka waddanka Maraykanka, taas oo ka dhigan in aanu mar dambe u tartamaynin abaal-marinta uu siddeedda jer qaatay.
Sannadkii 2020 ayaa waxa Lionel Messi la weydiiyey ciyaartoyda uu ka daawado horyaalka Premier League ee uu is-leeyahay waxay noqon doionaan xiddigo waaweyn, waxaana uu soo xushay afar ciyaartoy oo qaarkood hagaaseen, kuwo kalena wacdaro dhigayaan.
Sidoo kale, waxa uu xushay afar ciyaartoy oo kale oo iyaguna ka dheela horyaallada Spain iyo Faransiiska oo uu iyagana u sheegay inay noqonayaan xiddigo waaweyn.
Afarta ciyaartoy ee horyaalka Premier League ee uu Messi ku sifeeyey inay xiddigo waaweyn noqonayaan ayaa kala ahaa Trent Alexander-Arnold oo Liverpool ah, Phil Foden oo Manchester City ah iyo labada ciyaartoy ee Christian Pulisic iyo Mason Mount oo waqtigaas joogay Chelsea laakiin hadda u kala ciyaara AC Milan iyo Manchester United.
Ciyaartoyda kale ee horyaallada kale ee uu Messi ku tilmaamay inay xiddigaha waaweyn noqonayaan ayaa kala ahaa Ousmane Dembele oo hadda u ciyaara PSG, laakiin waqtigaas joogay Barcelona, Frenkie de Jong oo Barcelona ah, Kylian Mbappe oo ah hoggaamiyaha PSG oo ay laba sannadood iska garab ciyaareen Messi iyo Joao Felix oo ay Atletico Madrid amaah kusiisay Barcelona.