Isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ayaa maraya marxalad xasaasi ah, iyadoo xulal badan ay weli dadaal ugu jiraan xaqiijinta boosaskooda.
Ilaa iyo haatan, toddobo xul ayaa si rasmi ah ugu soo gudbay wareega Group-yada, halka kuwa kale ay wali tartan adag ugu jiraan inay ka mid noqdaan xulalka ka qeyb geli doona tartanka.
Saddexda dal ee marti-gelinaya tartanka – Canada, Mareykanka, iyo Mexico – ayaa si toos ah ugu soo baxay, maadaama ay yihiin waddamada marti-geliyeyaasha ah.
Halkan hoose kaga bogo toddobada xul ee xaqiijiyay ka qeyb-galkooda Koobka Adduunka 2026:
Argentina
Japan
Iran
Mareykanka (USA)
Canada
Mexico
New Zealand
Xulalka kale ayaa wali dadaal ugu jira inay boos ka helaan tartanka kubadda cagta ee ugu weyn caalamka.