Real Madrid ayaa isaga baaqsatay xaaflada Ballon d’Or, iyada oo ka cabanaysa in Vinicius Jr uusan ku guuleysan doonin abaal marintan.
Ilo xogogaal ahi ayaa sheegaya in kooxda ay dareemayso ixtiraam darro maadaama ay aheyd in ciyaaryahanka reer Brazil uu ku guuleysto abaalmarinta.
Superstar-ka kooxda Real Madrid Vinicius ayaa loo arkayay inuu yahay kan ugu cadcad ee ku guuleysan karay abaal marinta Ballon d’Or 2024 kadib qaab ciyaareedkiisa, iyadoo xiddiga reer Brazil uu ka caawiyay Los Blancos ku guuleysiga La Liga iyo Champions League.
Si kastaba ha ahaatee, warar soo baxayay galabnimadii maanta ayaa sheegay in Real Madrid lagu wargaliyay in xidiga Manchester City iyo xulka qaranka Spain Rodri uu ku guulaysan doono abaal marinta qaaliga ah ee ka dhici doonta magaalada Paris caawa.
Majalada Cope ayaa warineysa in Real Madrid ay hadda aaminsan tahay in UEFA ay go’aansatay in Vini Jr uu u waayay ku guuleysan Ballon d’Or, sababo aan aheyn kubbada cagta ahayn.
Waxaa la sheegay dhanka bandhiga inuu isaga ku guuleystay, laakiin anshaxa ayuu aad ugu liitay. taasoo keentay in laga doorto Rodri.