Khabiirka ciyaaraha ee Charles Watts ayaa sheegay in Gunners ay xiiso dhab ah u qabto saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Crystal Palace ee Adam Wharton.
Ciyaaryahanka da’da yar ee heerka caalami ee dalka England ayaa ahaa mid soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn ee Premier League tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Blackburn Rovers bishii Janaayo ee la soo dhaafay.
Waa mid kamid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu sareya Premier League, waxaana uu boos ka helay xulkii Gareth Southgate ee Euro 2024.
Wharton waxa uu ku jiraa raadaarka Arsenal, sida ay ku warameyso majalada CaughtOffside caawa.
Hadda, wuxuu u muuqataa xiisaha Arsenal ee Wharton 100%, iyadoo warkaan uu aad u dhibayo Manchester City oo isha ku haysay 20-jirkaan.
Guardiola ayaa u qorsheeyay inuu xal kaga dhigo dhibaatada kooxdiisa marka la gaaro suuqa January, laakiin Arteta ayaa hadda ku bilaabay dhabar jabin deg deg ah.
Manchester City oo raadineysa bedelka Rodri ayaa suuqa January lacag kasta kusoo qaadan doonta ciyaaryahanka reer England, inkastoo dagaalka dhinac kaga biirtay Arsenal.