Xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa taariikhda kubadda cagta Spain ee gaaray 17 caawin (assists) 41 kulan oo uu saftay xilli-ciyaareedkan.
Yamal, oo 17 jir ah, ayaa si isdaba joog ah ugu soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah kooxda Barcelona, isagoo noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee kooxda. Caawintiisii 17-aad ee xilli-ciyaareedkan ayaa timid intii lagu jiray kulankii ay la ciyaareen Atlético Madrid, taasoo sii xoojisay doorkiisa muhiimka ah ee kooxda.
Da’yarkaan ayaa horey u jebiyay rikooro dhowr ah, wuxuuna noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu da’da yar ee taariikhda La Liga, isagoo sidoo kale horey ugu soo muuqday Champions League.
Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa si weyn u amaanay Yamal, isagoo sheegay in xirfaddiisa iyo go’aan qaadashadiisu ay tahay mid aan caadi ahayn. Xavi ayaa xusay in Yamal uu leeyahay mustaqbal ifaya, isla markaana uu noqon doono xiddig weyn haddii uu sii wado horumarkiisa.
Lamine Yamal ayaa haatan noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee Barcelona, iyadoo taageerayaashu ay rajeynayaan inuu sii wado bandhigiisa cajiibka ah xilli-ciyaareedkan.