Da’yarka 17-jirka ah ee kooxda Barcelona, Lamine Yamal, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee gaaray 100 jeer oo goysmo ah(dribbles) xilli-ciyaareedkan horyaalada ugu sarreeya Yurub. Guushan cajiibka ah waxay muujineysaa hibadiisa gaarka ah waxayna xoojinaysaa inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu rajada wanaagsan kubadda cagta.
Yamal wuxuu leeyahay xirfad kubbad goysmo oo heer sare ah, taasoo lagu tilmaamay inay la mid tahay ciyaartoyda waaweyn sida Neymar. Kartidiisa uu ku maro difaacyada adag iyo xawaaraha sare ee uu ku socdo ayaa ka dhigtay mid cajiib ah garoonka dhexdiisa.
Waxaa xusid mudan in uu yahay ciyaaryahanka ugu horreeya ee dhammaystiray 100 kubbad oo goysmo ah horyaalada ugu sarreeya Yurub xilli-ciyaareedkan, taasoo ka sarreysa xiddigo caan ah sida Kylian Mbappé.
Intaa waxaa dheer, Yamal wuxuu si weyn uga qayb qaatay weerarka Barcelona, isagoo abuuray fursado badan oo goolal ah. Waxqabadkiisa ayaa soo jiitay taageerayaasha iyo falanqeeyayaasha kubadda cagta, waxaana la filayaa inuu sii wado horumarkiisa cajiibka ah.