Xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, ayaa muujiyay kalsoonida kooxdiisa ee ku aaddan hanashada tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, gaar ahaan kadib markii Liverpool laga reebay tartanka. Yamal ayaa yiri: “Hadda waxaan nahay kuwa ugu cadcad hanashada Champions League maadaama Liverpool ay tartanka ka baxday. Kama cabsaneyno koox kale, waxaan nahay qoys. Waxaan hubnaa inaan ku guuleysan karno UCL.”
Hadalka Yamal ayaa imanaya xilli uu bandhig cajiib ah ka sameeyay kulankii Benfica, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gool dhaliya isla markaana caawiya hal kulan oo Champions League ah, isagoo jira 17 sano iyo 241 maalmood. Bandhiggiisa ayaa ka caawiyay Barcelona inay gaaraan wareega siddeed dhammaadka, halkaasoo ay la ciyaari doonaan Borussia Dortmund.
Intii lagu jiray marxaladda hore ee tartanka, Yamal wuxuu sheegay in Liverpool ay yihiin kuwa ugu cadcad hanashada koobka, maadaama ay ku dhammeysteen kaalinta koowaad. Si kastaba ha ahaatee, kadib markii Liverpool laga reebay tartanka, Yamal wuxuu aaminsan yahay in Barcelona ay hadda yihiin kuwa ugu cadcad hanashada koobka.
Kalsoonida Yamal ayaa la jaanqaadaysa dareenka kooxda oo dhan. Kabtanka kooxda, Raphinha, ayaa sidoo kale muujiyay kalsoonida kooxdiisa kadib markii ay u soo baxeen siddeed dhammaadka Champions League, isagoo sheegay in ay yihiin musharrixiinta hanashada dhammaan tartamada ay ka qeyb galayaan.
Barcelona ayaa haatan ku jirta qaab ciyaareed wanaagsan, iyagoo hoggaaminaya LaLiga isla markaana u soo baxay wareegyada dambe ee tartamada kala duwan. Taageerayaasha iyo falanqeeyayaasha ayaa isha ku haya sida ay kooxda uga faa’iideysan doonto fursaddan si ay u soo ceshato maqaamkeedii sare ee Yurub.