Xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, ayaa saameyn weyn ku yeeshay kooxdiisa tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horreeyay asagoo keliya jira 16 sano, inkastoo uu yahay mid ka mid ah xirfadleyda kubbadda cagta, agaasimihii hore ee Barcelona Jordi Cruyff ayaa sharraxay sababta ay xilli hore u tahay in Yamal lala barbardhigo “Greatest of All Time”kan ugu fiican kubadda cagta (GOAT) Lionel Messi.
Inkastoo Yamal uu muujiyay bandhigyo wax ku ool ah, Cruyff ayaa tilmaamay in xiddigan uu weli yahay da ‘yar, ayna cadaalad darro tahay in lala barbar dhigo Messi, kaasoo soo qaatay wakhti aan caadi ahayn. Cruyff wuxuu sheegay in isbarbardhigga dhabta ah la samayn karo kaliya marka Yamal uu gaaro da’da 30 ka.
Yamal qudhiisu waxa uu qiray in ay adag tahay in la gaarsiiyo heerka Messi, isagoo sheegay in ay sharaf u tahay in lala barbardhigo Messi. Waxa uu carabka ku adkeeyay in gaaridda darajada Messi ay tahay wax aan macquul aheyn.
Hadda oo uu ka hoos ciyaarayo tababare Hansi Flick, Yamal ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay xorriyadda uu Flick siiyo ciyaartoyda, taasoo uu aaminsan yahay inay kooxda ka caawinayso inay qaab ciyaareed fiican soo bandhigto. Waxa uu sidoo kale firfirconida jir ahaaneed ee ciyaartooyda xilli ciyaareedkan marka loo eego kii hore.
Yamal iyo Barcelona ayaa isku diyaarinaya kulankooda xiga ee horyaalka La Liga ee ay la ciyaarayaan Sevilla.