Lamine Yamal, xiddiga da’da yar ee kooxda Barcelona, ayaa muujiyay kalsooni iyo diyaar garow uu u qabo la kulanka Real Madrid, gaar ahaan haddii ay ku kulmaan final-ka Champions League.
Wuxuu sheegay in koox kasta oo doonaysa hanashada Champions League aysan danaynayn cidda ay la ciyaarayso, ha noqoto Real Madrid ama koox kale. Yamal wuxuu carrabka ku adkeeyay in muhiimaddu tahay guusha kooxda iyo taageerayaasheeda, isagoo xusay inay diyaar u yihiin inay la kulmaan Real Madrid mar kasta.
Intaa waxaa dheer, Yamal wuxuu muujiyay sida ay uga go’an tahay Barcelona iney koobka hanato, isagoo meesha ka saaray suurtagalnimada inuu mustaqbalka u ciyaaro Real Madrid. Wareysi uu bixiyay, wuxuu si cad u sheegay in u ciyaarista Real Madrid ay tahay “wax aan suurtagal ahayn.”
Hadallada Yamal waxay muujinayaan kalsoonida iyo go’aan qaadashada uu leeyahay, isagoo diyaar u ah inuu la kulmo kooxaha ugu waa weyn Yurub si uu u gaaro guulo waaweyn.
Ma ahan markii ugu horreysay oo uu Yamal ka hadlo arrin noocan oo kale ah,wuxuu horey u shaaciyay in kooxda keliya ay ka cabsadaan Champions League ay tahay Liverpool.