Halyeeyga Chelsea, Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday in goolkisii horyaalka ee uu ka dhaliyay Bolton Wanderers 2005 uu ahaa goolka uu ugu jecel yahay dhamaan goolashii uu u dhaliyay Blues.
Lampard waxa uu ahaa mid guulaystey waqtigiisii Stamford Bridge, isagoo noqday ciyaaryahaka abid ugu goolasha badan taariikhda Chelsea.
Laacibkii hore ee khadka dhexe ee England wuxuu ku asteysan yahay kii ugu fiicnaa abid soo maray naadiga ka dhisan galbeedka London.
Waxaa sidoo kale loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiicnaa taariikhda soo maray horyaalka Premier League.
Isagoo dhawaan la hadlayay kanaalka rasmiga ah ee Premier League, Lampard ayaa yiri markii la weydiiyay inuu doorto goolkii uu ugu jeclaa Premier League ee uu u dhaliyay Chelsea.
“Wuxuxu ahaa goolkii guushii ugu horeysay ee Premier League Chelsea ku hogaamiyay 50 sano kadib, goolkaas waxaan ka dhaliyay Bolton, xaqiiqdii waa waqti aan iloowi karin.
Waxaan dib u daawadaa in ka badan, oo waqtigayga kamid ah, waan jeclahay sannado ka dib inaan dib u xasuusto.