Ian Rush oo u sheegay madaxda Liverpool in “aan la iibsan karin” waxa Mohamed Salah u keeno kooxda xilli ay taagan yahay is-faham la’aanta heshiiskiisa.
Ian Rush wuxuu rumeysan yahay in “qof walba” oo ku lug leh Liverpool uu doonayo in Mohamed Salah uu saxiixo heshiis cusub, isaga oo madaxda Liverpool ku boorriyay in “aan la iibsan karin” waxa uu ciyaaryahanka Masriga ahi kooxda u keeno.
“Aniga iyo Mo (Salah) waxaan u wada hadalnaa si joogto ah,” Rush ayaa u sheegay Mail Sport. “Dadku waxay ka hadlaan inuu sii joogayo ama baxayo, laakiin anigu waxaan ku raaxaystaa inaan daawado ciyaartiisa garoonka. Waa qof farxad leh in la daawado. Mararka qaar waxaad u malaynaysaa inuusan waxba samayn 20 daqiiqo, markaasuu si lama filaan ah labo gool u dhalinayaa.
“Ma iibsan kartid taasi. Taasi waa mid gaar ah, waana ciyaaryahan khaas ah. Qof walba wuxuu rabaa inuu sii joogo,” ayuu hadalkiisa raaciyay gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda Liverpool.
Hadalka Rush wuxuu yimid maalin kadib markii Salah uu wariyeyaasha u sheegay inuu niyad-jabsan yahay maadaama aan weli loo soo bandhigin heshiis cusub, isla markaana uu sheegay iney “u badan tahay inuu baxayo intii uu sii joogayo,” iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo dhammaadka xilli-ciyaareedkan.
Labo gool oo Salah uu ka dhaliyay Southampton ayaa ka caawiyay Liverpool inay 8 dhibcood ku hoggaamiso horyaalka Premier League, halka 32-jirkan uu haatan leeyahay 100 gool oo uu u dhaliyay Liverpool marka laga hadlo meel ka baxsan Anfield – taas oo kaliya ay ka sarreeyaan Rush (161) iyo Roger Hunt (112). Salah sidoo kale waa midka saddexaad liiska gooldhaliyayaasha taariikhda Liverpool isagoo leh 223 gool, halka Rush (339) iyo Hunt (267).