Juventus ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga Real Madrid iyo xulka Turkey ee Arda Guler bogeeda Twitter/X, laakiin mardamne waxaa soo baxday in la jabsaday akoonkii kooxda oo dhan.
Kooxda reer Talyaani ayaa bogeeda lagu daabacay war u qornaa sidaan “ku soo dhawoow Juventus Arda Guler!” oo uu wehliyo sawirla 19-jirkan oo u muuqday inuu ka soo degayo garoon diyaaradaha magaalada Torin.
Warkan ayaa ka yaabiyay taageerayaasha labada kooxood ee Juventus iyo Real Madrid, ka hor inta aysan Juve xaqiijinin in la jebsaday akoonkeedii.
“Akoonkeena English-ka waa la jabsaday,” Juventus ayaa tiri. “Fadlan iska dhaaf macluumaadka beenta ah ee aan quseyn kooxda.
Sidookale kooxda ayaa ku dhawaaqday inay ka shaqeyneyso sidii ay dib ugu soo ceshan laheyd akoonkeeda la jabsaday ee Twitter ama X.
Arda kaliya seddex jeer ayuu ku soo bilowday Real Madrid tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, iyadoo inta badan uu ka soo muuqday kursiga keydka.