Tababaraha kooxda kubadda cagta Newcastle United Eddie Howe ayaa saxaafadda u sheegay, in ay wax kasta u samayn doonaan sidii ay usii xajisan lahaayeen xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Bruno Guimarães oo lala xidhiidhinayo kooxda horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain.
Eddie Howe waxa uu sheegay, in ay ka go’an tahay kooxdiisa in ay xajisato ciyaartoyda ugu wanaagsan ee ay haystaan, una arkaan in ay yihiin kuwa mustaqbalka fog ay ka sugayaan in ay guulaha gaadhsiiyaan Magpies.
Hadalkiisu waxa uu daba socdaa markii uu soo baxay damaca kooxda reer France ee Paris Saint-Germain oo la sheegay in ay qorshaheeda koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ka dhigatay khadka dhexe ee reer Brazil ee Bruno Guimarães.
Warbaahinta waddanka Maraykanka ee ESPN ayaa sheegtay, in Paris Saint-Germain ay u calaamadsatay Bruno Guimarães in uu noqdo ciyaartoyga ay ku xoojinayaan khadkooda dhexe xilli-ciyaareedka dambe, iyadoo sidoo kale kooxda reer France la saxeexatay difaaca Brazil ee Lucas Beraldo bishan January, sidoo kalena qarka u saaran Gabriel Moscardo oo isaguna u dhashay Brazil.
Bruno Guimarães waxa wakiil u ah Giuliano Bertulucci oo sidoo kalena ah wakiilka labada saxeex ee cusub ee PSG ee Lucas Beraldo iyo Gabriel Moscardo, waxaanay xidhiidh dhow oo saaxiibtinimo leeyihiin agaasimaha ciyaaraha PSG ee Luis Campo oo haddana ku riixaya in uu kala shaqeeyo sidii uu Bruno Guimarães ku iman lahaa Parc des Princes.
Bruno Guimarães oo January 2022 ay Newcastle kaga soo iibsatay kooxda reer France ee Lyon lacag dhan 52 milyan oo Euro, ayaa waxa hadda ay awoodi la’dahay inay sii xajistaan, waxaana uu go’aanku gacanta ugu jiraa xiddigan oo qandaraas cusub oo uu dhowaan saxeexay oo soconaya illaa sannadka 2028 lagu burburin karayo 100 milyan oo Gini.