Kooxaha Sacuudiga ayaa duulaan wadni qabad leh waxay ku qaadayaan kooxda Man United kuwaasi oo ay ka doonayaan inay ka jiitaan kubad sameeyaha Portugal Bruno Fernandes.
Shayaadiinta cas cas ayaa ku jirta bilawga marxaladda kala guurka xagaagan, iyadoo kooxda Sir Jim Ratcliffe ay maamuli doonto suuqeedii ugu horreeyay ee kala iibsiga tan iyo markii bilyaneerka uu dhammaystiray saamigiisa tirada yar ee kooxda horaantii sanadkan.
Kooxdu waxa ay maskaxda ku haysaa bartilmaameedyo lacageed oo waaweyn, iyada sida Matthijs de Ligt iyo Leny Yoro lala xidhiidhiyay toddobaadyadii la soo dhaafay.
Laakin xamaasaddoodii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga ayaa la macno ah in in ay waayi doonan xiddigoodii ugu fiicna.
Mustaqbalka kabtanka Bruno Fernandes ayaa ah mowduuca la isla dhexmarayo xilli ciyaareedkan, iyadoo 29 jirkaan horay loola xiriirinayay Bayern Munich iyo sidoo kale kooxo dhowr ah oo ka dhisan Saudi Arabia.
Waxayna u ekaan kartaa in ay kaxeesan karto Sacuudiga.
Al Nassr iyo Al Ittihad, ayaa la sheegay inay hogaaminayaan tartanka, iyadoo Fernandes la fahamsan yahay inuu door bidayo u dhaqaaqista Al Nassr, halkaasoo uu awood u leeyahay inuu isku xiro saaxiibkiisa Portugal ee Cristiano Ronaldo.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in xiisaha uu soo laabtay bishii November, iyadoo Manchester United ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League taasoo kor u qaadaysa fursadahooda.
Kulan ayaa lagu soo waramayaa inuu dhici doono ka dib Euro 2024, iyadoo Fernandes iyo Portugal ay ku hareen wareega 8da markii ay rigoorayaal kaga badiyeen France.
United ayaa kadib Euro 2024 dhageysan doonta dalabaadka labada kooxood ee Sacuudiga.