Mauricio Pochettino ayaa lagu waramayaa inuu ka niyadjabay labo ka mid ah ciyaartoyda Chelsea ka dib xilli ciyaareed liita oo kooxda soo maray.
Ka dib markii ay lacag badan ku qarashgareeyeen saxiixyada sida Moises Caicedo, Nicolas Jackson iyo Cole Palmer, waxaa la filayay inay Chelsea ay u dagaalami doonta boosaska afarta sarre ee Premier League.
Si kastaba, xilli ciyaareedkan ayaa Blues u noqday mid niyadjab weyn ah iyagoo ku jira kaalinta sagaalaad ee horyaalka, 16 dhibcood ayay ka danbeeyay kooxda kaalinta shanaad ee Aston Villa, halka ay 27 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Arsenal.
Haatan waxaa la sheegay in Pochettino iyo shaqaalihiisa aysan la dhicin labo ka mid ah xiddigahooda waa weyn.
Sida ay sheegtay Football Insider, ilo ku dhow kooxda ayaa u sheegay in shaqaalaha Chelsea ay ka niyadjabsan yihiin saameynta xiddigaha garbaha ka dheela ee Mykhailo Mudryk iyo Raheem Sterling.
Xiddiga reer Ukraine Mudryk ayaa kaliya dhaliyay lix gool islamarkaana sameeyay seddex caawin 33 kulan uu saftay xilli ciyaareedkan waana mid aad uga hooseysa wixii laga filayay ka dib 88 milyan ginni uu kooxda ugu wareegay 2023kii.
Dhanka Sterling, xiddiga Ingariiska ayaa Chelsea u saftay xilli ciyaareedkan 38 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay sideed gool islamarkaana sameeyay sideed caawin.
Waxaa la sheegay in niyadjabka uu Pochettino ka qabo labada xiddig inay keentay inay kooxda xiddig cusub oo garabka ka dheela ka raadsato suuqa kala iibsiga xagaag.