Kooxda FC Barcelona ayaa si dhaqsi ah dib ugu soo laaban doonta garoomada kadib fasaxii xulalka oo ay inta badan ciyaartoydeeda ku maqnaayeen.
Si kastaba ha ahaatee, iyaga oo aan wax nasiino ah helin, ciyaartoyda ayaa bilaabi doona diyaargarowga kulanka ay ku wajihi doonaan Celta Vigo.
Ka dib guuldaradii ugu dambeysay ee ka soo gaartay Real Sociedad, Barcelona ayaa dooneysa inay guul gaarto kulanka soo socda ee Laliga si ay hogaanka u dheereystaan.
Nasiib darro kooxda reer Catalan, waxaa haysta dhibaatooyin dhaawacyo ah oo ay la tacaalayaan.
Blaugrana waxay dhaawac ku weyn doontaa dhowr coyaartooy oo muhiim ah oo uu kujiro xiddiga Lamine Yamal.
Sida ay daabacday majalada SPORT, waxaa jira laba waddo oo Flick qaadi karo si uu u helo bedelka Lamine Yamal.
Labadan xulasho ayaa lagu qiimeyn doonaa waxyaabo kala duwan, laakiin waa kuwa ugu wanaagsan ee uu rajeynayo tababaraha Barcelona in ay ka shaqeyn karaan booska Yamal.
Doorashada ugu horeysa uguna cad waxay noqon doontaa in la siiyo booskaas Pau Victor, marka laga soo tago inuu yahay weeraryahan dabiici ah, Isbaanishkaan sidoo kale waa ciyaaryahan awood u leh inuu ka ciyaaro saddexda hore.
Hansi Flick inuu geeyo weeraryahankii hore ee Girona dhanka bidix islamarkaana Raphinha uu u wareegayo dhanka midig waa qorshaha ugu fiican.
Dhanka kale, Hansi Flick waxa kale oo uu eegi karaa in uu dhexda ka dhigo Frenkie de Jong islamarkaana Dani Olmo ama Pedri midkood loo dhaqaajiyo saddexda hore ee weerarka.