Chelsea ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Sporting CP Viktor Gyokeres sanadka 2025. (Fichajes – Spain).
Gyokeres ayaan xiiso u qabin ku biirista Manchester United maadama uu aaminsan yahay in ay miiska soo saari doonaan dalabyo ka fiican kooxaha kale, iyada oo Ruben Amorim uu dhawaan la wareegay shaqada Old Trafford (Sergio Krithinas)
Si la mid ah, garabka Bayern Munich Leroy Sane ayaa la rumeysan yahay inuusan dooneynin inuu u dhaqaaqo Man Utd, isagoo u wareegi kara kooxaha London, Arsenal ayaa hogaamineysa liiska kooxaha doonaya laacibka Jarmalka. (Caughtoffside)
Pep Guardiola ayaa heshiis cusub oo 12 bilood ah la gaaray Manchester City. (Football Insider)
Tottenham Hotspur ayaa isku diyaarineysa inay kula tartanto Chelsea saxiixa daafaca dhexe ee Bournemouth Illia Zabarnyi oo lagu qiimeeyo 50 milyan ginni. (Caughtoffside)
Iyadoo la filayo mustaqbalka Virgil van Dijk, Liverpool inuu soo dhamaado, waxay kula dagaalameysaa Reds kooxda Juventus saxiixa daafaca dhexe ee Ajax Jorrel Hato. Ninka reer Holland ayaa lagu qiimeeyaa 25 milyan ginni. (TuttoJuve – Italy)
Real Madrid ayaa saxiixa Alphonso Davies iska diiday iyagoo xooga saaraya saxiixa daafaca bidix ee Girona Miguel Gutierrez. (MARCA – Spain)
Arsenal ayaa diyaar la ah €90m si ay ula soo wareegto xiddiga garabka uga ciyaara Barcelona ee Raphinha, laakiin waa inay tartan la gasho Liverpool oo xiddiga reer Brazil u aragta bedelka Mohamed Salah. (El Nacional – Spain)
Liverpool ayaa diyaar u ah in ay Trent Alexander-Arnold ka dhigto xiddiga ugu mushaharka badan Premier League iyaga oo u soo bandhigay heshiis ay ku doonayaan in uu kula mid noqdo Salah oo ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda. Real Madrid, Barcelona, Bayern Munich iyo PSG ayaa dhamaantood isha ku haya xaalada daafaca midig. (TBR football)
Dhinaca kale Liverpool ayaa bartilmaameedkeeda ugu sareysa ka dhigtay daafaca bidix ee Bournemouth Milos Kerkez, iyaga xiddiga heerka caalami ee dalka Hungary kaas oo ay saaxiibo dhow yihiin Dominik Szoboszlai doonaya in ay soo qaataan (Anfield Watch)