Diogo Jota oo soo laabtay ayaa dhaliyay gool barbardhac ah xilli hogaamiyayaasha Premier League Liverpool ay labo jeer kasoo laabteen hogaanka loo qabtay iyagoo 10 ciyaaryahan ah kulankii Fulham ee ka dhacay Anfield.
Jota, oo dhaawac ku maqnaa tan iyo bishii October, ayaa daqiiqadii 86aad ee ciyaarta barbareeyay Fulham ka dib markii Rodrigo Muniz uu u muuqday mid soo afjaray iska caabintii Reds qeybtii labaad ee ciyaarta.
Cody Gakpo ayaa madax ku dhaliyay kubad uu soo karoosay Mohamed Salah wax yar ka dib qeybtii nasashada,wuxuuna kansalay goolkii furitaanka ee Fulham.
Sikasta ha ahaatee barbaraha ayaa sare u qaadaya hamigii Liverpool ka laheyd horyaalka Premier League, iyagoo hadda 5 dhibcood ka sareeya Chelsea oo kaalinta labaad ku jirjirta
Mohamed Salah ayaa laba rikoor weyn ka sameeyay kulankii Liverpool ee caawa isagoo kusoo baxay geesiga Reds.
1. Salah haatan 29 gool ayuu ku lug yeeshay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, majiro ciyaaryahan ka saameyn badan shanta horyaal ee yurub.
2. Sidookale rikoorka labaad ayaa ah inuu caawiyay goolkii Cody Gakpo ka dhaliyay caawa kooxda Fulham, isagoo ku sameeyay rikoor ah 100 caawin Liverpool, waa wax cajiib ah Salah oo shalay lee yimid Reds inuu boqol caawin u sameeyo.