Xiddiga kooxda Manchester City iyo xulka qaranka Spain Rodri ayaa gaaray magaalada Paris ka hor xaflada caawa ee Ballon d’Or oo ka dhaceysa caasimada France.
28-sano jirkaan ayaa si weyn loo rumeysan yahay inuu yahay kan ugu cadcad ee ku guuleysan kara caawa Ballon d’Or ka dib olole guuleystay oo uu la qaatay Spain iyo Man City.
Isagoo door muhiim ah ka ciyaaray Manchester City markii ay qaaday horyaalkii afaraad oo xiriir ah Premier League xilli ciyaareedkii hore, Rodri waxaa u raacay guushii Spain ee Euro 2024.
Isagoo ka hadlayay abaalmarinta horaantii sanadkan, Rodri wuxuu yiri, “Waa wax aad u wanaagsan inaan u tartamo abaalmarinta, waxqabadkayga wuu fiicnaa.
“Aniga ahaan, waxay mar walba ii tahay guusha wax fiican ma aha oo kaliya mid shaqsiyeed, waxaan jeclahay koox ahaan inaan u guuleysto.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Vinicius Jr oo reer Brazil uma safri doono Paris caawa maadaama isaga iyo Real Madrid labaduba ay ogaadeen inuusan ku guuleysan doonin abaalmarinta Ballon d’Or 2024, iyadoo aysan jirin cid ka socota kooxda difaacaneysa La Liga oo u safartay xaflada.