Arsenal ayaa xasuuq lama ilaawaan ah gurigeeda ugu geysatay Chelsea oo ay ku garaaceen 5-0 taasoo u ogolaatay inay seddex dhibcood oo nadiif ah ku qabtaan hogaanka horyaalka Premier League.
Xiddigaha Gunners ayaa qaab ciyaareed wacdarro ah dhigay iyagoo guul taariikhi ah ka gaaray kooxda Galbeedka London oo ku jirta waqti musiibo ah.
Xiddigo badan oo Arsenal ah ayaa wacdarro dhigay gaar ahaan kabtan Odegaard oo khadka dhexe ka qabsaday Blues, si la mid ah daafaca Ben White oo isna qeyb libaax leh ka qaatay guusha. Waxaa iyagana xusid mudan qaab ciyaareedkii Bukayo Saka, Declan Rice, Thomas Partey iyo Trossard oo qiimeynta ka helay 8.
XIDDIGA GAROONKA – Kai Havertz (Arsenal)
Laacibka Jarmalka saameyn weyn ma uusan yeelanin bilowgii ciyaarta, laakiin qeybtii labaad waxa uu la soo baxay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan iyo intii uu xirtay maaliyada Arsenal isagoo labo gool ka dhaliyay kooxdiisa hore ee Chelsea. Wuxuu awood u lahaa xalay inuu seddex ama afar gool dhaliyo.
XIDDIGAHA FASHILMAY:
11ka ciyaaryahan ee Chelsea midkoodna ma mudan inuu helo qiimeyn ka sareysa 5 taasoo muujineysa in gabigoodba ay liiteen, laakiin waxaa ugu sii darnaa xiddigaha khadka dhexe iyo daafaca sida Disasi, Badiashile, Cucurella, Fernandez iyo Caicedo oo qiimeynta ka helay kaliya 4.
QIIMEYNTA CIYAARTOYDA
Arsenal: Raya (7), White (9), Saliba (7), Gabriel (7), Tomiyasu (7), Partey (8), Odegaard (9), Rice (8), Saka (8), Havertz (9), Trossard (8).
Bedel: Jesus (7), Martinelli (7), Zinchenko (7), Jorginho (7), Vieira (6)
Chelsea: Petrovic (5), Gilchrist (4), Disasi (4), Badiashille (4), Cucurella (4), Caicedo (4), Fernandez (4), Gallagher (5), Madueke (5), Jackson (5), Mudryk (5).
Bedel: Sterling (6), Chalobah (6), Silva (6), Casadei (6)