Da’ yarka tayada leh ee Manchester United Bendito Mantato ayaa ka soo muuqday tababarka kooxda koowaad shalay.
Xiddigaan garabka ka ciyaara ayaa 16 sanno jir ah, waxa uu dhashay bishii Janaayo 2008dii, bilo ka hor inta aysan Red Devils ku guuleysanin koobkeedii ugu danbeeyay ee Champions League oo ay ka qaadeen Chelsea.
Shan maalmood ka dib markii uu Mantato dhashay, Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay labo gool oo ay ku jirto laad xor ah oo cajiib ah kulan ay 2-0 kaga badiyeen Portsmouth oo ka dhacay Old Trafford.
Da’ yarkaan xiisaha leh ayaa ku biiray akadeemiga Man United isagoo sagaal sanno jir ah, waxaana uu ka mid yahay xiddigaha mustaqbalka weyn leh ee tayada fiican.
Iyadoo Shayaadiinta Cas Cas ay ka maqan yihiin ilaa iyo toban ciyaaryahan ka hor kulanka Everton, tababare Erik ten Hag ayaa caawinaad ka raadinaya da’ yartiisa.
Mantato waxaa tababarka lagula sawiray Kobbie Mainoo iyo Willy Kambwala.
Da’ yarkaan ayaa sidoo kale u ciyaaray xulka England ee da; da yar, waxaana lala barbardhigay Bukayo Saka.
Sida ay sheegtay Manchester Evening News waxa uu xiiso ka helayaa kooxo kale oo doonaya inay ka kaxeeyaan Old Trafford, laakiin United ayaa ku rajo weyn inay qandaraas xirfadlenimo ah ka saxiixdo marka uu 17 jir noqdo.