Declan Rice ayaa loo magacaabay kabtanka England markii ugu horeysay kulanka ay caawa la ciyaarayaan Belgium.
Kabtanka joogtada ah ee Three Lions Harry Kane ayaa dhaawac ku seegaya kulanka caawa ka dhici doona garoonka Wembley.
Kyle Walker ayaa kabtan u ahaa xulka Gareth Southgate guuldaradii 1-0 ay ka soo gaartay Brazil sabtidii.
Daafaca Manchester City ma uusan dhameystirin 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ay wajahayeen Samba Boys, isagoo dhaawac ku baxay.
Dhaawaciisa ayaana keenay in Southgate uu calaamada kabtanimada u dhiibo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Rice kulanka ay caawa ee Belgium.
Southgate ayaa ku dhawaaqay kabtankiisa cusub ee caawa shirkiisii jaraa’id ee ka hor ciyaarta, iyadoo Rice uu qiertay inay sharaf weyn u tahay.
Xiddiga ku fadhiya 105ta milyan ginni ah ayaa yiri: “Hadalkii baa igu dhegay, haddii aan daacad u hadlo.
“Markii uu xalay tababaraha igu yidhi Kabtan ayaan noqonayaa, waan isku duubayoo laabta geliyay oo gacan qaaday oo aan ku idhi, aad baad u mahadsan tahay.
“Abaal weyn ayaan u hayaa isaga, tan iyo markii aan xulka soo galay, mar walba waxa uu i dareensiin jiray inaan gurigeyga jooga.”