La Liga ayaa sheegtay in Barcelona aysan haysan boos dhaqaale oo ay ku diiwaangeliso xiddigaha Dani Olmo iyo Pau Víctor.
Arrintan ayaa soo baxday xilli wasaaradda isboortiga Spain (CSD) ay toddobaadkan go’aamin doonto haddii labadan ciyaaryahan ay sii wadi karaan ciyaarista xilli-ciyaareedkan.
La Liga ayaa su’aal gelisay heshiiskii €100 milyan ahaa ee CSD ay ku ogolaatay in Olmo iyo Víctor si kumeel gaar ah loo diiwaangeliyo bishii Janaayo.
Intaa waxaa dheer, La Liga waxay ku hanjabtay inay dacwad ka gudbin doonto xisaabiyaha aan la magacaabin ee Barcelona u adeegsaday xaqiijinta iibka kuraasta VIP ee garoonka dib loo dhisay ee Spotify Camp Nou.
Heshiiskan laguma darin xisaab xirka maaliyadeed ee ay Barcelona toddobaadkii hore u gudbisay La Liga si loogu ogolaado miisaaniyadda 2024/2025, taasoo uu ansixiyay xisaabiye kale.
La Liga ayaa war qoraal ah ku sheegtay: “Xogta maaliyadeed waxay caddeyneysaa in Barcelona aysan haysan awood dhaqaale oo ay ku diiwaangeliso Olmo iyo Víctor taariikho ay ka mid yihiin 31-kii December 2024, 3-dii Janaayo 2025 iyo wixii ka dambeeyay.”
La Liga ayaa hadda u sheegtay Barcelona in “xadka kharashaadka kooxdu hoos u dhacay,” kaddib markii bishii February ay gaartay €463 milyan.