Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa si cad u sheegay in kooxdiisa aysan mar dambe ciyaari doonin kulan haddii aysan helin ugu yaraan 72 saacadood oo nasasho ah. Hadalkan ayaa yimid ka dib markii Madrid ay ciyaartay laba kulan oo waqti yar u dhexeeyay.
“Waa markii ugu dambeysay aan ciyaarno anagoo aan helin 72 saacadood oo nasasho ah. Waxaan weydiisannay in la beddelo jadwalka, balse lama tixgelin. Tani ma ahan wax suurtagal ah,” ayuu yiri Ancelotti.
Wuxuu intaa ku daray in caafimaadka ciyaartoyda uu yahay mudnaanta koowaad, isla markaana aysan aqbali doonin jadwal aan cadaalad ahayn.
Balse Madaxweynaha LaLiga, Javier Tebas, ayaa si deg deg ah uga jawaabay hadalka Ancelotti, isagoo yiri: “Haddii aysan ciyaarin, dhibcaha ayay lumin doonaan.”
Hadalladan is-dhaafay ayaa abuuray dood weyn oo ku saabsan cadaaladda jadwalka tartamada iyo badbaadada ciyaartoyda.