Weeraryahanka Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa si weyn u helay qaab-ciyaareedkiisa Santiago Bernabéu, isagoo gaadhay rikoor taariikhi ah ka dib markii uu labo gool ka dhaliyay guushii Sabtidii.
Lama qarinin in Mbappé uu yaraantiisii jeclaa Cristiano Ronaldo xilligii uu joogay Real Madrid. Hadda, xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda, xiddiga reer France wuxuu durba la mid noqday rikoodhkii CR7 ee goolasha xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay Madrid.
Mbappé wuxuu labo gool ka dhaliyay Leganés kulankii Sabtidii, taasoo keentay guul 3-2 ah oo ay Madrid ku gaartay Bernabéu. Labadaas gool waxay tiradiisa xilli-ciyaareedkan 2024/25 ka dhigaysaa 33 gool tartammada oo dhan, taasoo la mid ah inta uu Ronaldo dhaliyay xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay Madrid.
“Waa wax aad u gaar ah,” ayuu yiri Mbappé, markii la weydiiyay rikoorkiisa. “Waxyaabaha ugu muhiimsan waa kuwa aad la gaarto kooxda, laakiin inaad la mid noqoto Cristiano marka ay timaado goolasha waa wax aad u fiican. Waan ognahay waxa Cristiano uu u yahay Real Madrid iyo anigaba.”
“Mar walba waan wada hadalnaa, wuxuuna isiiyaa talooyin. Waa wax wanaagsan in la dhaliyo goolal, balse sidaan had iyo jeer u sheegaba, waa inaan koobab ku guuleysanaa halkan.”
Waxaa jiray waqtiyo, gaar ahaan dhamaadka dayrta, uu Mbappé u muuqday mid ku dhibtoonaya inuu la qabsado kooxda. Si kastaba ha ahaatee, taasi ma sii jirin muddo dheer, waxaana uu si buuxda u muujiyay awooddiisa. Xitaa iyadoo bishii April aan la gaarin, Mbappé wuxuu mar hore dhaafay tiradii goolasha Ronaldo xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay, balse waxa uu diiradda saarayaa guulaha waaweyn iyo hanashada koobabka Real Madrid.