Kylian Mbappe ayaa shaaciyay koox lama filaan ah uu doonayo inuu ku biiro ka dib Real Madrid isagoo haatan qarka u saaran inuu xagaagan si xor ah ugu wareego Bernabeu.
Ka dib bilo laga hadlayay mustaqbalkiisa, xiddiga Faransiiska ayaa shaaciyay inuu ka tagayo Paris Saint-Germain marka uu qandaraaskiisa dhaco bisha danbe isagoo kooxda la joogay tan iyo 2018kii.
Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacinin,waxaa la filayaa inuu si rasmi ah ugu wareego kooxda Real Madrid oo uu ku riyoon jiray ilaa iyo yaraantiisii.
Si kastaba, waxaa jirta koox kale oo weyn oo reer Yurub ah oo uu Kylian Mbappe qalbiga ku hayo islamarkaana uu doonayo in waqti ka mid ah waayihiisa ciyaareed uu u dheelo.
“Miyaa u wareegayaa kubada cagta Talyaaniga? Marnaba ma ogaan kartid waxa dhici doona” ayuu u sheegay Sky.
“Waxaan mar walba dhahaa: haddii aan maalin aadayo Talyaaniga, waxaan aadi doonaa Milan.
“Markii aan caruurta ahaa waxan taageero weyn u ahaa AC Milan, waxaan mar walba daawan jiray Serie A, kulan walba oo Milan ah.
“Dhamaan qoyskeyga waa taageerayaal waa weyn oo AC Milan ah” ayuu hadalkiisa raaciyay Mbappe.
AC Milan ayaa leh taariikh ay ku soo jiidan karto ciyaaryahan sida Kylian Mbappe ah, laakiin waqtigaan kuma jiraan xaalad fiican.
Dhaqaale ahaan ma ahan kuwa awoodi kara mushaharka xiddiga Faransiiska, laakiin dabcan mustaqbalka fog waxay ka dhabeyn karaan riyada xiddiga Faransiiska.