Weeraryahanka Kooxda Real Madrid, Kylian Mbappe, Ayaa Sheegay Inuu Jeclaan Lahaa Inuu La-tashado Saaxiibkiisa Kooxda, Luka Modric, Si Uu Talo Uga Helo Sida Loogu Guuleysto Abaalmarinta Ballon d’Or.
Ballon d’Or waa mid ka mid ah abaalmarinnada shaqsiga ah ee ugu waaweyn kubbadda cagta, balse wali ma uusan ku guuleysan Mbappe, inkasta oo loo arko mid ka mid ah ciyaartoyda ugu hibada badan sannadihii ugu dambeeyay.
Markii la weydiiyay abaalmarintan, xiddigii hore ee Paris Saint-Germain ayaa si kaftan ah u sheegay inuu talo weydiisan doono halyeeyga reer Croatia, Modric.
Modric wuxuu ku guuleystay Ballon d’Or sanadkii 2018, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee jebiya xukunkii tobanka sano socday ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.
Mbappe oo la hadlayay warbaahinta ka hor kulankii ay xulkiisa France looga adkaan 2-0 ayaa wax laga weydiiyay Ballon d’Or.
Wuxuu ku jawaabay: “Ballon d’Or? Waxaan weydiin doonaa Luka Modrić sida loo guuleysto (wuu qoslay).”
Sanadkii hore, saaxiibkiisa kale ee Real Madrid, Vinicius Jr, ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu cadcadaa ee ku guuleysan karayay abaalmarinta, balse ugu dambeyn Rodri oo Manchester City ah ayaa la siiyay.
Mbappe ayaa u muuqda mid aan weli wakhti badan gelin ku guuleysiga abaalmarinta maadaama uu weli heysto wakhti ku filan.