Kabtanka France ayaa shabaqa soo taabtay markii ugu horeysay horyaalka xilli Los Blancos ay ugu dambeyntii guul gaartay.
Hagaag, Kylian Mbappe wuu qaatay waqtigiisa, laakiin ugu dambeyntii wuxuu dhaliyay goolkiisii La Liga.
Xiddiga reer France, ka dib seddex kulan oo dhan isagoo aan wax gool ah u dhalin cad cadka , ayuu ku qaris baxay Kooxda Real Betis oo uu labo gool ka dhaliyay, taasoo ka caawisay inay 2-0 ku garaacaan si adag iyadoo ay jirto inay soo bandhigeen qaab ciyaareed qancin leh kooxda difaacaneysa Laliga.
Mbappe ayaa ku riyaaqay fursado badan oo kala badh ah 45kii daqiiqo ee furitaanka isagoo si isdaba joog ah ay u wada shaqeynayeeb Vinicius Jr, laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto.
Ciyaaryahanka reer Brazil, ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta ku sigtay inuu 1-0 ka dhigo, lakiin darbadii uu tuuray ayaa birta ka dul dhacday.
Madrid ayaa ugu danbayn ciyaarta hogaankeeda qabatay iyada oo daqiiqadii 67 aad Mbappe uu goolka furitaanka u dhaliyay isaga oo si degan u dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Federico Valverde.
Dabadeed waxa uu ku daray rigoore loo dhigay wax yar ka dib markii qalad lagu galay Vinicius.
Ciyaarta ayaana kusoo idlaatay guul 2-0 oo ay gaartay Real Madrid.
Kulankeeda xiga Real waxay 14ka September u safraysa Real Sociedad.