Kyle Walker ayaa shaaca ka qaaday go’aan layaab leh oo uu Pep Guardiola ka qaatay kadib guuldarradii 2-1 ee ay kala kulmeen Aston Villa, taasoo ah in tababarka kooxda la qabto xitaa maalinta Kirismaska.
Daafaca midig ee Manchester City, oo la hadlay BBC kaddib guuldarradaas, ayaa qirtay in tani ay tahay wax cusub, maadaama ay caadiyan fasax ku qaataan maalintaas si ay ula joogaan qoysaskooda.
Sida laga soo xigtay BBC, go’aanka Guardiola ee ah in tababar la sameeyo maalinta Kirismaska ayaa la xiriiri karta qaabka liidata ee kooxda maalmihii u dambeeyay.
City ayaa todobaadkan markale guuldarro la kulantay, waxaana 2-1 kaga adkaaday Aston Villa, taasoo keentay in kooxda Unai Emery ay ka sarre marto kooxda Guardiola ee kala sarreynta horyaalka.
Natiijadan ayaa sidoo kale muujisay in City kaliya ay hal guul gaartay 12-kii kulan ee ugu dambeeyay tartammada oo dhan.
Walker oo ka hadlayay ciyaarta soo socota ee City, oo ay la ciyaarayaan Everton maalinta Boxing Day, ayaa yiri:
“Sanadkan waxaan tababar qaadaneynaa maalinta Kirismaska, maxaa yeelay waxaan leenahay kulan Everton ah 12:30 duhurnimo maalinta Boxing Day.
“Laakiin labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay waxaan helnay fasax maalinta Kirismaska, taasoo runtii aad u fiicneyd…”
Guardiola, oo caan ku ah inuu si adag ula dhaqmo ciyaartoydiisa si uu dib u soo celiyo qaab ciyaareedka kooxda, ayaa markan u muuqda mid xoogga saaraya in kooxda uu dib ugu dhiirrigeliyo guulihii caadiga ahaa.