Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa bixiyay Warbixin walaac ka muujisay Dhaawaca Diogo Jota.
Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa sheegay in Diogo Jota uu shaki ku jiro inuu ciyaaro kulanka RB Leipzig ee Champions League ee bartamaha usbuuca.
Reds ayaa garaacday Chelsea kulankii Premier League ee Axadda, iyagoo ku badiyay goolal ka kala yimid Mohamed Salah iyo Curtis Jones.
Slot ayaa hadda bixiyay warbixin ku saabsan dhaawaca Jota, isagoo sheegay inay u badan tahay inuu ka maqnaan doono kooxda kulanka RB Leipzig ee bartamaha usbuuca.
Tababaraha Dutch-ka ah ayaa yiri, sida ay soo xiganeyso GOAL: “Diogo waa la bedelay, mana hubno waxa dhacay, laakiin waxaa suurtagal ah inuusan ciyaarin Arbacada.”
Jota ayaa waxdaro muujinaya xilli ciyaareedkan asagoo ka hoos ciyaaraya tababare Slot. Wuxuu kasbaday boos joogta ah tan iyo tagitaankii Klopp.
Xiddiga reer Portugal ayaa shan gool u dhaliyay Reds, kaliya Salah iyo Luis Diaz ayaa ka badan dhanka goolasha.
Weeraryahankii hore ee Wolves ayaa si wanaagsan u hoggaamiyay weerarka Liverpool xilli ciyaareedkan, waloow dhaawaciisa uu suurtagal ka dhigi karo in Nunez mar kale loo adeegsado inuu hoggaamiyo weerarka kooxda Slot.
Liverpool waxay wajihi doontaa jadwal adag oo ciyaaro ah, taasina waxay u muuqataa in joogitaanka Jota ay muhiim u tahay kooxda.