Mbappe ayaa ku tilmaamay ‘war been abuur ah warbixin booliska ay baarayaan oo la xiriirta kufsi ka dhacay hoteel ay degganaayeen isaga iyo saaxiibbadii oo ku yaalla Sweden.
Ciyaartoyga waxa uu booqasho ku joogeen Sweden isaga iyo asxaabtiisa Arbacadii ilaa jimcihii todobaadkii hore, isaga oo degay Hotel Bank oo ku yaala bartamaha magaalada.
Khamiistii, xiddiga Real Madrid ayaa booqday maqaayadda Chez Jolie, ka hor inta uusan aadin goob lagu caweeyo, wuxuuna ugu dambeyntii dib ugu laabtay hoteelkii uu ku noolaa isagoo wata gaari madow.
Wargeyska Aftonbladet ee dalka Sweden ayaa qoray in booliska ay baarayaan kufsi ka dhacay hotel ku yaala bartamaha magaalada Stockholm, kaasoo la sheegay inuu dhacay habeenkii Khamiista.
Laakiin Mbappe ayaa wararka wargeysku qoray ee la xiriirka kufsiga wuxuu ku tilmaamay warar been abuur ah.
Wargeysku waxa uu sheegay in qaylo-dhaanta kufsiga ay kor u kacday markii haweenaydu ay ‘daryeel ka raadsatay’ cisbitaal maxalli ah.
Mbappe ayaa diyaarad khaas ah Jimcihii kaga dhoofay garoonka Bromma ee dalka Sweden. Iyadoo hadalheyn badan ka dhalatay kufsiga ka dhacay Hotel uu daganaa.
Wargeyska wuxuu intaas ku daray in ciyaaryahanka iyo asxaabtiisa shaki badan laga qabo inay ku lug leeyihiin kufsigaan.