Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa dib ugu laabanaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo uu hore uga soo layliyey saddexda kooxood ee Chelsea oo uu saddex horyaal u qaaday, Manchester United iyo Tottenham.
Jose Mourinho oo shaqo la’aan ahaa tan iyo horaantii sannadkan oo ay AS Roma shaqada ka riday ayaa waxa uu sheegay in uu iska diiday dalabyo badan oo uu helay muddadii uu hadda ka maqnaa garoomada, balse uu sugayo dalab macquul ah.
Halyeygii Arsenal iyo Chelsea ee William Gallas ayaase shaaciyey laba kooxood oo Premier League ah oo Jose Mourinho uu midkood tababare u noqon doono, kuwaas oo xilli-ciyaareedka soo socda kusoo celin doona saaxadda tababarenimada.
William Gallas oo horyaalka Premier League laba jeer kula guuleystay Chelsea intii uu Mourinho tababaraha ka ahaa, ayaa waxa uu sheegay in tababaraha reer Portugal uu kusoo laaban doono Stamford Bridge marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, amaba Newcastle United.
Chelsea ayaa la sheegay in ay shaqada ka eryi doonto tababare Mauricio Pochettino oo ay ka fiirsanayso inay magacowdo Jose Mourinho oo magaciisa ay ku ooriyeen taageereyaashu bishii hore markii ay kooxdoodu barbarro 2-2 ah la gashay Brentford.