Xiddiga reer England ee Jordan Henderson ayaa ogolaaday in uu burburiyo qandaraaskiisa kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ettifaq, isla markaana uu ka tanaasulo mushahar xad-dhaaf ahaa oo toddobaadkii uu ku qaadanayay £700,000 Gini.
Jordan Henderson ayaa xagaagii ka tegay Liverpool oo uu kabtan u ahaa, waxaana uu u lacag doontay Sucuudiga oo uu Al-Ettifaq u saxeexa qandaraas saddex sannadood ahaa oo uu ku helayay lacag dhan £700,000 toddobaad kasta, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu musaharka badan kubadda cagta.
33 jirkan ayaa hadda dib ugu soo laabanaya Yurub, waxaana uu qarka u saaran yahay kooxda horyaalka Netherlands ee Ajax oo la sheegay in ay heshiis buuxa wada gaadheen, laakiin dhamaystirka iyo shaacinta oo kali ahi u hadhsan yihiin.
Heshiiska Jordan Henderson ee Ajax ayaa ka dhigan in uu ka tanaasulay 75% mushaharkii uu ka qaadan jiray Sucuudiga oo lix bilood oo kaliya uu ka ciyaaray, hase yeeshee kooxdiisa cusub ee Ajax ayaa usbuucii siin doonta mushahar dhan £175,000 Gini,
Bishii July ayuu Jordan Henderson u saxeexay Al-Ettifaq heshiis saddex sannadood ahaa, isaga oo la midoobay halyeygii hore ee Liverpool ee Steven Gerrard oo ah tababaraha kooxda Sucuudiga, balse waxa uu kaliya u saftay 19 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah.
Dawladda Sucuudiga ayaa la sheegay in ay Jordan Henderson ka doonayso inuu bixiyo 20% mushaharkii uu qaatay oo cashuur ahaan looga jari doono haddii uu Henderson go’aansado inuu ka tago ka hor waqtigii lagula heshiiyey.