Paul Merson, halyeyga Arsenal iyo khabiirka kubadda cagta, ayaa sheegay in Chelsea ay “hubaal tahay kooxda ugu awoodda badan xaga ciyaartoyda ee Premier League” kahor kulankooda Tottenham.
Merson, oo ah taageere Chelsea, ayaa rumeysan in Blues ay garaaci karto Spurs kulanka ay booqanayaan Tottenham Hotspur Stadium.
Chelsea ayaa wacdarro dhigtay xilli ciyaareedkan iyagoo ka hoos ciyaaraya tababare Enzo Maresca, iyada oo falanqeeyayaal qaar ay ku doodayaan in hadda loo arki karo musharraxiinta horyaalka.
Blues waxay ku jiraan kaalinta labaad ee miiska Premier League – iyagoo ka sarreeya Arsenal iyo Manchester City – waxaana kooxda Maresca ay todobo dhibcood ka dambeysaa Liverpool, oo hoggaanka heysa.
Chelsea waxay heysataa ciyaartoy heer sare ah, oo uu ku jiro Cole Palmer, kaas oo xilli ciyaareedkan dhaliyay sagaal gool isla markaana caawiyay lix gool oo kale 14 kulan oo Premier League ah.
Merson Mar uu Ka hadlayay safarka kooxda reer galbeedka London ee Tottenham,waxa uu u sheegay Sportskeeda:
“[Chelsea] waxay heysataa koox ciyaartooy oo wanaagsan, kuwa ugu xoogan ee Premier League.
“Laakiin waxay la ciyaareen Arsenal, Manchester City iyo Liverpool xilli ciyaareedkan, waxayna heleen hal dhibic kaliya. Taasi waa sababta aysan wali ugu tartami karin horyaalka.”