Afar kooxood oo dheeri ah ayaa u soo baxay wareega 16-ka Champions League, kadib markii la soo gabagabeeyay kulamadii hore ee isreeb-reebka habeenkii Talaadada.
Kooxaha u soo baxay waa Club Brugge, Benfica, Bayern Munich, iyo Feyenoord.
Feyenoord oo AC Milan reebtay
Kulankii ugu horreeyay, Feyenoord ayaa AC Milan ku qabatay barbaro 1-1.kulankan ayaa ka dhacay San Siro.
Kooxda Dutch-ka ah ayaa lugtii hore 1-0 kaga badisay Ac Milan garoonkeeda, taasoo ka dhigan inay u gudubtay wareega xiga.
Club Brugge oo si lama filaan ah Atalanta uga reebtay tartanka
Club Brugge ayaa Atalanta ku garaacday 3-1 gudaha Talyaaniga, taasoo ka dhigan inay 4-1 isku geyn ku guuleysteen.
Chemsdine Talbi oo labo gool dhaliyay iyo Ferran Jutgla ayaa u horseeday kooxda reer Belgium guusha.
Ademola Lookman ayaa gool usoo celiyay Atalanta isla markii laga soo laabtay qeybta labaad, balse wuxuu sidoo kale khasaariyay rigoore, taasoo keentay in kooxda heysata Europa League ay tartanka ka harto.
Bayern Munich oo ka adkaatay Celtic
Bayern Munich ayaa barbaro 1-1 la gashay Celtic.waxaa lagu ciyaaray Allianz Arena.
Hoggaamiyayaasha Bundesliga ayaa lugtii hore 2-1 ugu soo adkaatay Celtic, Scotland.
Brendan Rodgers iyo kooxdiisa Celtic ayaa goolka furitaanka ka dhaliyay Munich, laakiin Alphonso Davies gool uu xilli dambe dhaliyay ayaa xaqiijiyay in Bayern ay u gudubtay wareega 16-ka.
Benfica oo ka adkaatay Monaco
Benfica iyo Monaco ayaa ciyaaray kulan xiiso leh oo ku dhammaaday barbaro 3-3 ah.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda reer Portugal ayaa u gudubtay wareega xiga, maadaama ay lugtii hore 1-0 kaga soo badisay France.
Kooxaha u soo baxay wareega 16-ka Champions League ayaa la filayaa inuu soo wajaho tartan adag marka isku aadka la sameeyo.