Hadal-hayntii ugu muddada dheerayd suuqa iibka ciyaartoyda ayaa lasoo afjaray, kaddib markii ay Real Madrid heshiis la gaadhay weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo 25 jir ah. Real Madrid waxay si xor ah ugala soo wareegaysaa Mbappe kooxdiisa PSG marka uu dhamaado qandaraaskiisu xagaaga. (Foot Mercato)
Dhawr kooxood oo hroyaalka Premier League ah ayaa doonaya inay isku dayaan inay Mbappe kasoo afduubtaan Real Madrid, waxaana la hadal hayaa Liverpool iyo Manchester United. (Times)
Juventus waxay iskaga hadhay raadinta xiddiga reer England ee Kalvin Phillips oo ay ku doonayeen inay amaah kaga soo qaataan Man City, sababtuna waa in mushaharkiisu uu aad ugu badan yahay. (Fabrizio Romano)
Juve waxa ay sidoo kale iskaga hadhaysaa raadinta xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Tottenham iyo xulka Denmark ee Pierre-Emile Hojbjerg oo 25 jir ah. (The Sun)
Liverpool ayaa doonaysa inay dib usoo ceshato kabtankeedii hore ee Jordan Henderson oo 33 jir ah una ciyaara Al-Ettifaq oo xagaagii ay ka iibisay. (Mirror)
Everton ayaa go’aamisay qiimaha khadka dhexe ee Amadou Onana oo lagu naanayso Yaya Toure-ha cusub, kaas oo ay doonayso Arsenal. Waxa ay Everton sheegtay inay £60 milyan oo Gini ku iibinayso 22 jirkan reer Belgium. (Football Insider)
Chelsea, Manchester United iyo AC Milan ayaa dhamaantood si dhow ula socda difaaca reer France ee Jean-Clair Todibo oo u ciyaara Nice. 24 jirkan oo hore ugu ciyaari jiray Barcelona oo ay si fudud iskaga direen, ayayse Nice doonaysaa inay sii haysato illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka. (RMC Sport)
Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay suurtogal tahay inay al saxeexato xiddigii hore ee Manchester United ee Jesse Lingard oo koox la’aan ahaa tan iyo xagaagii. 31 jirkan ayaa la sheegay inay suurtogal tahay inuu tago Camp Nou. (Sport)
Weeraryahanka reer England ee Ivan Toney oo 27 jir ah, ayaa sheegay in kooxdiisa Brentford ay ka taallo shaqo qabyo ah oo uu doonayo inuu dhamaystiro ka hor inta aanu ku fikirin inuu tago koox kale. Toney oo bishan kasoo laabanaya ganaax siddeed bilood ahaa oo lagaga mamnuucay ciyaaraha ayaa hadalkiisu uu niyad-jab ku yahay Arsenal. (Mirror)
Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in kooxdiisu ay fursad u haysato inay la saxeexato weeraryahan suuqa bishan January, laakiin waxa uu qiray in aanay ahayn waqtigii ku habboonaa ee ay heli lahaayeen dhaliyeyaasha ay doonayaan. (Sky Sports)