Gacmaha ayaa leskula tagay kulankii saaxiibtinimo ee Southampton ee ka hor xilli ciyaareedka cusub ee ay la ciyaareen Lazio iyadoo muuqaalo rabshado wata lagu arkayay ciyaartoyda oo midba midka kale ku dagaalamayo qeybtii labaad ee ciyaarta.
Fawdo ayaa ka dhex qaraxday ciyaartii saaxiibtinimo taas oo ka dhalatay markii weeraryahanka Southampton Carlos Alcaraz uu damcay inuu taageero saaxiibkiis oo uu ku soo yaacay ciyaartoy badan oo Lazio ah ficilkiisa ayaa markii dambe dhaliyay rabshado kale.
Ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah daqiiqadii 62aad.
Southampton ayaa ku marti galinaysay kooxda martida ah ee Serie A xeebta koonfureed.
Si kastaba ha ahaatee, dareenka wanaagsan ee labada dhinac ayaa meesha ka baxay wax yar uun ka dib markii ay is dagaalen labada kooxood iyo xubno ka tirsan kooxda tababareyaasha.
Taageerayaasha ayaa aad uga naxay markii xiddiga khadka dhexe ee Lazio Danilo Cataldi uu si aan faraxsanayn uga fal celiyay loolan isaga oo isku dayay in uu la hadlo ciyaartoy Southampton ah, taas oo keentay in Alcaraz oo qayb ka mid ah xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Juventus oo uu si qasab ah wejiga uga riixay Cataldi.
Lazio xiddigeeda Alessio Romagnoli ayaa ka falceliyay isagoo si waali ah isku dayay inuu Alcaraz dhuunta kaga qabto, ficilkiisa ayaana ka dhigtay xiddiga Argentine uu aad cadhoodo.
Ciyaartoyda Lazio ayaa bilaabay in ay riixaan Alcaraz iyaga oo ka aargoosanaya.
Xubnaha Southampton ayaa ka dib si cadho leh uga falceliyay iyagoo taageero u muujiyay saaxiibkood oo muujinaya in feedh lagu tuuray.
Alcaraz ayaa diiday inuu dejiyo xaalada, waxaana uu sii waday inuu isku dayo inuu gacmaha la galo ciyaartoyda Lazio halka saaxiibadiisa kooxda ay isku dayeen inay dib u celiyaan iyadoo shaqaalaha maamulka Southampton ay sidoo kale ku carareen garoonka ciyaarta.
Inta badan xagaagan kulamada saaxiibtinimo ayaa waxaa hareereyay dagaal iyo fowdo.