Tababare Erik ten Hag ayaa lagu waramayaa inuusan ka mid aheyn haatan tababarayaasha u sharaxan shaqada tababare ee Bayern Munich.
Macalinka Manchester United ayaa wajahaya hubanti la’aan la xiriirta mustaqbalkiisa ka dib jugtii ku dhacday habeenkii Isniinta.
Shayaadiinta Cas Cas ayaa xasuuq 4-0 kala kulmay Crystal Palace taasoo ka dhigtay inay ku jiraan kaalinta 8aad ee Premier League.
Inkastoo uu wajahayay xilli ciyaareed niyadjab leh, hadana Ten Hag waxa uu ka mid ah tababarayaasha ugu cadcad inay Thomas Tuchel ka bedelaan kooxda Bundesliga ka dhisan ee Bayern Munich.
Si kastaba, jariirada Jarmalka ee Bild ayaa qortay in Bayern Munich ay ka baxday doonisteedii Erik ten Hag.
Wargeyska ayaa qoray inay jireen wadahadalo u dhaxeeyay Max Eberl oo ah wakiilka Erik ten Hag iyo maamulka Bayern Munich laakiin wadahadaladaas haatan waa la joojiyay.
Waxaa todobaadkii hore la sheegay in Ten Hag uu ku jiro liiska tababarayaasha u sharaxan shaqada Bayern Munich, iyadoo kooxda Jarmalka ay xiriir la sameysay wakiilkiisa.
Balse go’aanka ay qaadatay Bayern Munich ee ay ku joojisay wadahadaladaas ayaa ku soo aaday xilli fashil farsamo uu wajahay Ten Hag kulankii Crystal Palace taasoo keentay in kooxdiisa afar gool lagu xasuuqo.